Sign in to follow this  
Deeq A.

Tartanka Shabelle: Cabdicasiis oo ka guuleysatay Xamarjajab

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmada Cabdicasiis ayaa xalay guul ka gaartay dhiggeeda degmada Xamarjajab, kadib markii ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle.

Labada degmo oo u dambeeyey Group-ka C is aragiisa 1-aad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxa ay xalay guushu raacday Cabdicasiis.

Tartamayaasha degmada Cabdicasiis oo dadaal iyo fir-fircoono muujiyey ayaa la yimid dhibco gaaraya 12, halka Xamarjajab ay keensatay 8 buundo.

Degmada Cabdicasiis oo sanadihii u dambeeyey heerar fiican ka gaareysay tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa noqotay degmadii saddexaad ee badisa, tan iyo markii la bilaabay tartanka, waxaana ka horreeyey degmooyinka Dayniile iyo Warta Nabadda.

Dhinaca kale waxaa caawa barnaamijka tartan aqooneedka Idaacadda Shabelle ku madlan degmooyinka Kaxda iyo Afgooye oo ka kala tirsan Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale labadaan degmo ayaa waxaa lagu daah-furi doonaa tartanka u dhexeeya degmooyinka ku jira groupka D, is aragiisa koowaad ee tartanka aqooneedka Shabelle

Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this