Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare oo amar deg-deg ah siiyey guddoomiyeyaasha Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa wuxuu kaga hadlay dhibaatooyinkii ka dhashay daadadkii xooganaa ee ku rogmaday magaalada Qardho ee Puntland.

Ugu horreyn Waare ayaa ka tacsiyeeyey dadkii shacabka ah ee ay waxyeelada ka soo gaartay daadadkaasi oo ka dhashay roobab ka da’ay halkaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha HirShabelle ayaa amray guddoomiyeyaasha gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe inay si deg deg ah ula shaqeeyaan guddiyada gurmadka HirShabelle State ay shacabkeeda ugu talagaleen walaalahood reer Qardho.

“Waxaan aad ula murugoonaynaa walaalaha Qardho saameynta Culus ay ku yeesheen Daadka ka dhashay Roobabka Gu’ga ee dalka ka curtay, gudoomiyeyaasha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Gudoomiyaha gobalka shabellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan waxaan farayaa in si deg deg ah ula shaqeeyaan gudiyada gurmadka Hirshabelle State ay shacabkeeda ugu talagaleen walaalahood reer Qardho arrintaan abaabulkeedana ay horseed u noqdaan ayuu yiri” Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Ugu dambeyn wuxuu ku amaanay madaxda maamulka Puntland sida deg-dega ah ee ay ugu gurmadeen qoysaskii ay saameynta ku yeesheen daadadkaasi, waxaana uu ku micheeyay isku duubnida shacab iyo dowlad in ay horseed u tahay ka gudbitaanka dhibka kasta oo jira , isagoona Madaxweyne Siciid Deni kubogaadiyay isku duubnidaas.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan gurmad aan kala go’ laheyn oo ay qeyb ka tahay dowladda dhexe loo fidinayo shacabka magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this