Deeq A. Posted April 29, 2020 Itoobiya: dad loo laayey aano qabiil Suuqa Baatii uu dilka ka dhacay Suuq weyn oo ku yaalla Deeganka Cafarta ee dalka Itoobiya ayaa lagu dilay 5 qof oo hal beel ka soo wada jeeda. Guddoomiyaha degmada Baatii ee deegaanka Cafrta ee dadka lagu la dilay Maxamed Cabdi oo BBC u warramay wuxuu sheegay dadka la dilay iney ahaayeen dad suuqa ka adeeganayey oo shacab ah balse aana qabiil loo dilay. Wuxuuna Guddoomiyuhu sheegay dadka la dilay dhammaantood iney ahaayeen dad ku noolaa degmada Baatii. Ragga dilka geystay oo ku hubeysnaa qoryaha AK-47 waxay sida oo kale ay dhaawacyo culus u geysteen 2 qof oo kale, oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka degmadaasi. Dilka oo ka dhacay suuqa bartankiisa waxa raggan loo laayey ayuu yiri Mr Maxamed aana qabiil oo u dhaxeysay qowmiyadda Cafarta iyo Qowmiyad kale oo uu dhawaan degmadu dagaal ku dhex maray. Ragga weerarka gestayna waxaa la sheegay iney ka socdeen qowmiyadda Cafarta. “Raggn waxaa loo dilay aano qabiil oo lala xiriiriyey dagaallo beeleedyo maalma ka hor dhacay balse ma jirin xaald taagan oo keeni karto in dad rayad ah oo aan colaadda qayb ka ahayn maalin cad meel suuq ah lagu dilo” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baatii Maxamed Cabdi. “Dagaalla beeledyada ayaa ka dhacay dhulka miyiga ee degmada Baatii balse suuqa uu dilka ka dhacay ayaa ah mid ay shacabka degmada oo dhan ay wada leeyihiin oo ay ka adeegtaan” ayuu yiri. Meydadka dadka shacabka ee la laayey waxaa goobta dilka uu ka dhacay ka soo saaray ciidamada gaashaandhiigga ee dowladda dhexe iyada oo dhammaan dadki dhintayna la aasay. Ilaa iyo hadda ma jirto cid faldambiyeedkaasi ay booliska u soo qabteen, hase yeeshee ay maamulka degmada iyo hoggaanka ka sarreeya ee deegaanka Cafarta ay ka wada hadleen sidii dhibaatada dhacday wax looga qaban lahaa balse ay weli xal la taaban karo gaarin. BBC oo isku dayday iney xog intaa dheer ka raadiso maamulka sare ee deegaanka Cafarta lana xiriirtay xafiiska warfaafinta deegaankaasi wax jawaab ah kama aysan helin balse BBC si ay jawaab u hesho dadaalka ay mas’uuliyiinta deegaanka ku raadineyso wey sii wadeysaa. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites