Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF oo xirtay tobaneeyo ka mid ah shacabkii qeyb galay dibad-bixii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xir xiray tobaneeyo ka mid ah dhalinyaradii ka qeyb gashay banaanbixii Sabtidii todobaadkaan ka dhacay Muqdisho.

Dadka la xir xiray oo guryahooda lagala baxay ayaa ahaa dhamaantood kuwa ka soo muuqday baraha bulshada ee Internate-ka, islamarkaana jeediyey hadallo ka dhan ah madaxda dowladda, waxaana ku jira wiilkii soo dejiyay sawirka Madaxweynaha iyo qaar kale oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeysa tobaneeyo kamid ah dadkii banaanbaxa ka qeyb galay ay guryahooda ka carareen kadib markii waqtiyo kala duwan laga raadiyay guryahooda.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa dhalinyarada ay beegsadeen ee ku jiray banaanbaxa waxay ku sheegeen in ay ahaayeen rag hubeysan oo ku soo dhax dhuuntay banaanbaxayaasha, balse waxaa ku jira dad la yaqaano oo aan weligood hub qaadan, balse abaabulay banaanbixii dhacay Sabtidii.

Markii taliska booliska ay soo saareen warqadda lagu sheegay in xubno hubeysan laga dhex qabtay dibad-baxyada ayaa dad badan ay ka digeen in tani ay tahay qiil loo sameynayo in beegsado abaabulayaasha dibad-baxyada, taasi oo hadda muuqata inay dhacday.

Caasimada Online ayaa ogaatay in ciidamada booliska Soomaaliya ay beegsadeen dhalinyaro badan oo hormuud u ahaa banaanbaxaas halka qaar kalane ay guryahooda ka careereen kadib markii ay heleen xog ku saabsan in la raadinayo.

Dhalinyaro dharcad ah oo ka tirsan hay’adaha amaanka ayaa la sheegay in ay dageen agagaarka guryaha dhalinyarada baxsadka ah si ay usoo qabtaan ama ay xog ku saabsan gudbiyaan waana arrin halis ku ah amaanka Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this