Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Xisbiyada Qaran oo warqad sir ah ku sheegtay inuu xiriir ka dhaxeeyo NISA iyo Al-Shabaab (Aqriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad sir ah oo kasoo baxday Madasha Xisbiyada Qaran ayaa walaac looga muujiyey “inuu xiriir ka dhaxeeyo” NISA iyo xubno ka mid ah ururka Al-Shabaab, waxayna madashu dalbatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hoggaanka hey’adda Nabad Sugidda Soomaaliya.

Qoraalka Madasha oo lagu socod siiyey Madaxweynaha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul waaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa lagu yiri, “Madashu waxay qoraalkan la wadaagaysaa madaxda kor ku xusan iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan”.

“Madasha Xisbiyada Qaran waxay aad ugu walaacsantahay xogaha iyo warbixinnada baryahan soo batay ee ku saabsan xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeeya Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo ururka argagixisada ah ee Al-shabaab, xogahaas oo dhaliyay shaki iyo cabsi ku abuurmay shacabka Soomaaliyeed”ayaa lagu yiri qoraalka Madasha.

Hoos ka aqriso qoraalka Madasha oo dhameystiran

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,

Ku: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,

Ku: Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,

Ku: Ra’isulwaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,

Ku: Xeer Ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya,

Madashu waxay qoraalkan la wadaagaysaa madaxda kor ku xusan iyo dhammaan dhacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Madasha Xisbiyada Qaran waxay aad ugu walaacsantahay xogaha iyo warbixinnada baryahan soo batay ee ku saabsan xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeeya Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo ururka argagixisada ah ee Al-shabaab, xogahaas o”dhaliyay shaki iyo cabsi ku abuurmay shacabka Soomaaliyeed.

Madashu markay aragtay xogahaan halista ku ah amniga iyo jiritaanka Qaranka, markay dib u eegtay dhacdaooyinkii waaweynaa ee dalka ka dhacay sida dilkii Guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana Duqii caasimadda, Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow (AU) iyo masuuliyiin kale. Madashu markay u kuurgashay hab-dhaqanka hoggaanka Hay’adda (NISA) waxay ku qanacday in xogahan aan la dhayalsan karin.

Hadaba, si loo xoojiyo kalsoonidii Umadda Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan ay ku qabeen Hay’adda (NISA), loogana saaro welwelka iyo walaaca taageerayaasha Dowladda Soomaaliyeed Madasha Xisbiyada Qaran waxay dalbaneysaa:

  1. In baaritaan madax bannaan oo deg deg ah lagu sameeyo weerarkii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.
  2. Xogaha la isla dhexmarayo baraha bulshada ee ku aaddan wadasheekaysiga taliyaasha labada aag ee Hay’adda (NISA) iyo Al-shabaab in lagu sameeyo baaritaan madaxbanaan oo dhamaystiran, si xaqiiqada jirta Ummadda loogu soo bandhigo.
  3. In warbaahinta iyo baraha bulshada ee rasmiga ah ee Hay’adda (NISA) aan loo isticmaalin meel lagu fushado dano gaar ah laguna marin habaabiyo ra’yiga Shacabka, isla markaana lagu buunbuuniyo xubno katirsan Al-shabaab iyadoo laga leeyahay dano khaas ah.
  4. In hoggaanka Hay’adda (NISA) laga fogeeyo siyaasiyiinta leh ujeeddooyin siyaasadeed loona dhiibo farsamo yaqaanno ku xeel dheer sirdoonka iyo amniga Qaranka.
  5. Madashu waxay aad uga xuntahay in ciidamadii iyo saraakiishii Hay’adda (NISA) ee u carbisnaa nabadsugidda iyo sirdoonka laga sifeeyay Hey’adda, hoggaankeediina gacanta loo geliyay shaqsiyaad leh ujeeddooyin siyaasadeed taas oo keentay in Hay’addu ay ka habowdo shaqadeedi

Ugudanbayn Madashu waxay caddaynaysaa in warqaddii ku taariikhysnayd (17/04/2020) ee Dowladdu ugu jawaabtay warbaahinta Dalka Kenya inaysan ahayn jawaab ku filan Ummadda Soomaaliyeed iyo taageerayaasheeda Caalamka.

=Dhammaad=

Warqad-Sir-ah-Final-Draft-1.png Warqad-Sir-ah-Final-Draft-2.png

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this