Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Villa Somalia oo lacag badan ku bixisay in dib loo taago sawirradii FARMAAJO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib u habeen lagu sameeyay goobihii ay bur buriyeen dadkii Sabtidii todobaadkaan Banaabaxa ka dhigay Muqdisho, kuwaas oo ka cabanayay dil ay geesteen booliska Soomaaliya.

Dhalinyaro la sheegay inay is xilqaameen, oo ay ku jiraan ciidanka ilaalada Madaxtooyada, ayaa dib u habeen ku sameeyay boorkii Madaxweynaha ee la dejiyay iyo goobihii kale ee ku bur buray banaanbaxa iyagoo sheegay iney ku faraxsan yihiin howsha ay qabteen.

Caasimada Online ayaa ogaatay in qaar ka mid ah dhalinyarada howshaan ay qabtay ay ka tirsan yihiin shaqaale hoosaadka Villa Somalia ayna ku qaateen lacago kumanaan doolar ah.

Mashruuca howshaan oo ay sameeyeen koox agaasimiyaal ah oo ka tirsan Villa Somalia ayaa lagu dallacday lacag aad uga badan howsha la qabtay waxaana ka soo baxaya warar kala duwan qiimaha lacagtaas.

Laba xog oo aan helnay ayaa sheegeysa in lacag gaareysa 20,000$ oo doolar ah lagu dalacday qabashada howshaan, halka xogta kale ay sheegeyso in lagu dalacday ama la gudbiyay in shaqadaan lagu qabtay 15,000$ oo doolar.

Lacagtan ayaa isugu jirta mid ku baxday qalabka iyo sawiradda, mid la siiyey dadkii howsha qabanaya iyo mid ay qaadanayaan dadka wax dul-saarka lacagta ee soo dhameeyey.

Arintaan ayaa u muuqato in dowladu ay ku mashquushay boorarkii Madaxweynaha iyadoo ay dalka ka jiraan Covid-19, shaqo la’aan iyo daadad ay dad ku dhinteen waxaana aad caawa looga hadal haayaa baraha Bulshada ee Internate-ka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa caan ku ah inuu aad u jecel yahay ammaanka, una dulqaadin karin wax yar oo uu u arko in magaciisa lagu wiiqayo. Boorarkii lagu burburiyey mudaaharaadkii Sabtidii ayaa la sheegay in madaxweynaha ka carrooday, una dareemay Sharaf dil lagu sameeyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this