Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo Ceelbuur ku toogtay rag ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud goob fagaare ah ku toogtay rag ay ku eedeeyeen inay u basaasi jireen ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ee AFRICOM.

Ragga ay dileen Al-Shabaab oo tira ahaan gaaraya seddax, ayey dhamaantood ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen shirqoollo lagu dilay saraakiil ka tirsanaa kooxda, oo lagu bartilmaameedsaday duqeymo ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Seddaxda nin ee galabta lagu toogtay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud waxaa lagu kala magacaabi jiray, Axmed Nuurow Maxamed, Bashiir Maxamuud iyo Bishaar Axmed Cabdulle.

Axmed Nuurow Maxamed oo 23-sana jir ahaa, waxay sheegeen in uu ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed, waxayna ku eedeeyeen in uu indho u ahaa diyaaradaha Drone-ka Mareykanka ee duqeymaha ka fuliya koonfurta Soomaaliya.

Bashiir Maxamuud oo 22-sana jir ahaa, waxay isna ku eedeeyeen in uu mas’uul ka ahaa duqeymo ay fuliyeen diyaardaha Mareykanka, kuwaas oo lagu dilay saraakiil Shabaab ah.

Bishaar Axmed Cabdulle oo 50-sana jir ahaa, isna waxay sheegeen in uu ka tirsanaa maamulka Hir-Shabelle, isla markaana uu u basaasi jiray Taliska Mareykanka ee AFRICOM.

Nin sheegtay qaadiga maxkamada Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud ayaa goobtii lagu toogtay seddaxdaas marxuum ka akhriyey eedeymaha loo soo jeediyey iyo qiraalo uu sheegay in laga qoray.

Waxa uu sheegay in dhamaantood ay qirteen fududeynta duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka oo lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ka dhacay qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this