Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo soo dhowaysay Dib u-Heshiisiintii Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa soo soo dhoweeyey wada-hadalladii maamulka Jubaland iyo Golaha Isbadal doonka Jubaland, ee hogaamiyey heshiis dib-u-heshiisiin oo ay kala saxiixdeen 23-kii April.

Heshiiskan, oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Kenya, ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Cabdinaasir Seeraar Maax iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo labaduba sheegeenayey madaxweynaha Jubaland, iyo Daahir Sheekh Axmed.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu yiri “Heshiiskan waxa uu ka dhiggan yahay tallaabo gacan ka gaysaneysa oo loo qaaday xalinta muranadii kasoo ifbaxay hanaankii doorasho ee Jubaland ee August 2019, kaasi oo kala qeybiyey bulshada iyo saamileyda siyaasadda Jubaland.”

Beesha Caalamka ayaa ku boorisay dhammaan saamileyda siyaasadda Jubaland, oo ay ku jiraan hogaamiyayaasha siyaasadda, bulshada iyo odayaasha dhaqanka inay adkeeyaan heshiiska la gaaray 23-kii April, islamarkaana ay fuliyaan tallaabooyinka xiga, ayaga oo sii wada wada-hadalladooda wax dhisi kara.

Waxay sidoo kale sheegeen inay soo dhoweynayaan rabitaanka ay muujiyeen saamileyda siyaasadda Jubaland ee ah inay doonayaan inay la hadlaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyo in Jubaland ay diyaar u tahay wada-shaqeyn buuxda oo ay la yeelato dowladda.

Halkaan ka akhriso qoraalka oo Af-Soomaali ah

PUNTLAND POST

The post Beesha Caalamka oo soo dhowaysay Dib u-Heshiisiintii Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this