Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Khayre oo magacaabay guddiga Qaran ee gurmadka Fatahaadda Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddi wasiiro ah u magacaabay daadadkii xalay ku rogmaday Magaalada Qardho, kuwaasi oo ka dhashay Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Karkaar

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu magacaabay Guddiga Gurmadka, kuwaasi oo ka kooban 7-xubnood.

Guddiga ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, waxaan kamid ah Wasiirka Gargaarka, Boostadda iyo Isgaarsiinta, Qorsheynta, Warfaafinta, Wasiir dowlaha Maaliyadda iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa amray in Guddiga si deg deg ah gurmad u gaarsiiyan dadka shacabka ee waxyeelada kasoo gaartay  daadadka ku rogmaday Qardho.

Magacyada guddiga

1- Mudane Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka arrimaha gudaha XFS -Guddoomiye

2- Mudane Maxamed Burci Xamsa  Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka – Xubin

3- Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta XFS – Xubin

4-Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta XFS – Xubin

5- Marwo Fowsiya Maxamed Shiikh Wasiirka Tamarta iyo Biyaha – Xubin

6- Mudane  Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta – Xubin

7-Mudane Maxamuud Xayir Ibrahim Wasiir Dowlaha Maaliyadda – Xubin

8- Mudane Maxamed Saciid Cabdullaahi Wasiir Ku-xiggeenka Caafimaadka- Xubin

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Khayre oo magacaabay guddiga Qaran ee gurmadka Fatahaadda Qardho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this