Deeq A. Posted April 28, 2020 Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inuu saameyn ku yeeshay Covid-19. Cabdiraxmaan Garyare ayaa tilmaamay in dhibaatada ugu daran ay wajahayaan dadka barakacayaasha ah oo aan muddooyinkii la soo dhaafay helin wax gargaar ah, kadib markii hay’adaha Samafalka ay hakiyeen shaqooyinkooda, sababo la xariira Corona. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in haatan xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay wajahayaan qoysaska barakacayaasha ah ee ku dhaqan halkaasi. Dhinaca kale wuxuu carabka ku dhuftay inay sharciga la tiigsan doonaan qof alaala oo lagu soo qabto isagoo bishaan Ramadaan sameynaya waxyaabo aan banaaneyn. Garyare ayaa ugu dambeyn xusay inay sameyn doonaan howlgallo lagu soo qab-qabanayo dadka ma Soomayaasha ah ee ku sugan deegaankaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/ppppppp.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites