Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhimashada COVID-19 ee Somalia oo sii korortay iyo dadka qaba oo dhaafay 500

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay tiro cusub oo dad ah oo laga helay cudurka Coronvirus iyo kuwa kale oo dhintay..

Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka eyey maanta ku xaqiijisay inay geeriyoodeen 2 qof oo kamid ahaa bukaannadii laga helay cudurka COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan geliyay 48 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ayna bogsoodeen 5 ruux oo kamid ah dadkii horay looga helay xanuunka.

41 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 4 waxaa laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, 3 ruux oo kalena waxaa laga diiwaan geliyay dowlad gobaleedka Jubaland.

31 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 17-ka xaaladood oo kale, sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 228, waxaa ka bogsooday 19 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this