Sign in to follow this  
Deeq A.

Daadad ku rogmaday Qardho iyo Deni oo ku wajahan

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad aha ayaa waxaa laga helayaa daadad xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ku rogmaday magaalada Qardho, gobolka ay Puntland u bixisay Karkaar.

Wararka ayaa sheegaya in daadadkaasi oo ka dhashay roobag maahiigaan ah ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in biyaha ay qaadeen gaadiid fara badan, iyadoona sidoo kale dadka deegaanka ay isaga barakaceen xaafadahooda.

Xaaladda Qardho ayaa weli cakiran, iyadoona haatan uu socdo gurmad lagu baadi goobayo dad kale oo la la’yahay, tan iyo xalay markii ay daadadka ku dhufteen halkaasi.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa saacadaha oo socda ku wajahan magaaladaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo ku dhow maamulkaasi.

Wafdiga uu hoggaaminayo Siciid Deni ayaa u kuur geli doono xaaladaha adag ee ay ku sugan yihiin qoysaska ay saameeyeen daadadkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this