Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamarjajab iyo Cabdicasiis oo ku ballansan tartanka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Barnaamijka tartanka aqooneedka Shabelle oo caawa galaya habeenkiisa lixaad ayaa waxaa ku baratami doono degmooyinka Xamarjajab iyo Cabdicasiis ee G/Banaadir.

Labada degmo ayaa sidoo kale ku wada jira groupka C, is aragiisa koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Xamarjajab iyo Cabdicasiis ayaa ah labo degmo oo magac iyo miisaan ku leh tartanka Shabakadda Warbaahinta Shabelle, iyadoona haatan tartamayaasha degmooyinkaan ay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyey ee ka qeyb-galka barnaamijka caawa.

Barnaamijka tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo weli maraya wareegiisii koowaad ayaa waxaa xalay wacdaro ka dhigtay degmada Warta Nabadda, kadib markii ay guul ka gaartay dhiggeeda degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana sidaas ay ku noqotay degmadii labaad ee badisa, tan iyo markii uu bilowday tartanka, waxaana ka horreeyey oo kaliya degmada Daynile ee gobolka Banaadir.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this