Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Hormuud oo deeq gaarsiisay xabsiga dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Deeqdaan oo isugu jirtay raashin, dhar iyo dhowr neef oo Geel ah oo loogu tala galay maxaabiista ku jirta xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa hay’adda Hormuud Foundation waxa ay maanta ku wareejisay taliska ciidamadda Asluubta ee gacanta ku haya xabsigaasi.

Madaxa hay’adda Hormuud Foundation, Cabdullahi Nuur Cusmaan oo sharaxaad ka bixinaya deeqdaani ayaa sheegay inay ugu talagaleen in bisha barakeysan ee Ramadaan ay uga gudbaan maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar, islamraakana aysan ahayn deeqdii ugu horeeysay ama tii ugu dambeysay oo ay soo gaarsiinayaan xabsigaasi

Dhankiisa taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo guddoomay deeqdan kala duwan ayaa kaga mahad-celiyay hay’adda Hormuud Foundation gargaarka ay soo gaarsiiyeen maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirta xabsiga Dhexe.

Hay’adda Hormuud Foundation ayaa sidoo kale maanta ciidamada naafada Xoogga dalka Soomaaliyeed guddoonsiisay deeq isugu jirta lacag iyo timir taas oo ka kooban 5000 oo dollarka Mareykanka ah iyo konton kartoon oo Timir ah.

Afhayeenka ciidamada naafada ee ku jira isbitaal Martiini ayaa ka guddoomay Hormuud, isagoona uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan tahay dan-yarta.

 

Maamulka hay’adda Hormuud Fondation ayaa ugu dambeyn sheegay inay sii wadi doonaan caawinta iyo tabarucaadda, islamarkaana ay ka qeyb qaadanayaan wax ka qabashadda saameynta uu haatan gudaha Soomaaliya ku yeeshay cudurka faafa ee Coronavirus

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-

Screenshot 2020-04-28 at 12.16.40 PM Screenshot 2020-04-28 at 12.21.27 PM Screenshot 2020-04-28 at 12.22.31 PM Screenshot 2020-04-28 at 12.22.45 PM Screenshot 2020-04-28 at 12.11.37 PM Screenshot 2020-04-28 at 12.11.59 PM Screenshot 2020-04-28 at 12.12.21 PM Screenshot 2020-04-28 at 12.13.10 PM Screenshot 2020-04-28 at 12.14.03 PM Screenshot 2020-04-28 at 12.14.30 PM Screenshot 2020-04-28 at 12.15.15 PM Screenshot 2020-04-28 at 12.15.48 PM Screenshot 2020-04-28 at 12.16.10 PM

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this