Sign in to follow this  
Deeq A.

Amnesty oo soo dhoweysay warbixintii Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib markii Mareykanka uu maalin ka hor soo saaray warbixin uu ku qirtay in dad rayid ahaa ay ku dhinteen duqeymo diyaaradihiisa ay ka fuliyeen Soomaaliya ayaa arrintaasi waxaa soo dhaweeyay hay’adda xuquuqul insaanka, Amnesty International.

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee hay’adda Amnesty International ayaa lagu xusay in Mareykanka uu qirtay inuu dad rayid ah ay ku dhinteen duqeymo uu ka fuliyey Soomaaliya, sanadkii la soo dhaafay ee 2019-kii.

Agaasimaha Amnesty International u qaabilsan bariga Africa Sief Magango ayaa sheegay in warbixinta Mareykanka ay tahay midii ugu horreysay ee uu ku iftiimiyey in dad shacab ah uu ku dilay Soomaaliya, islamarkaana ay mudan tahay soo dhoweyn.

Sief Magango ayaa tilmaamay in marka laga soo tago qirashada Mareykanka ee ah in dad shacab ah uu dilay aysan jirin wax isla xisaabtan oo arrintaasi uu kala kulmo

Si kastaba ha’ahaatee hay’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa ugu dambeyn sheegtay inay weli jiraan duqeymo kale oo u baahan falanqeyn iyo dib u eegis, kuwaas oo uu Mareykanka ka bixin jawaab rasmi ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this