Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif oo ka hadlay faafista cudurka Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu uga hadlay cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Somalia.

Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd ayaa sheegay in xaaladda dalka ay mareyso meel adag, islamarkaana loo baahan yahay in la’iska wada kaashado ka hortagga Covid-19.

“Khatarta Coronavirus ee dalkeenna waxay maraysaa xaalad adag oo u baahan in aad loo raaco talooyinka dhakhaatiirta caafimaadka ay noo soo gudbinayaan sida, Sanka & afka oo la xirto, in gacmaha oo saabuun lagu dhaqo,in Gacmaha oo laga ilaaliyo afka,sanka & indhaha iyo in la kala fogaado ugu yaraan laba mitir.” ayuu yiri Sh. Shariif.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in xanuunkaan oo ay wax ka qaban waayeen dowlado waa weyn aysan haatan Soomaaliya awood u laheyn xakameyntiisa.

“Xanuunka Covid-19 waxaa la itaal daran oo wax ka qaban la dowladahii aduunka ugu awoodda badnaa, sidaa awgeed Soomaaliya awood badan uma lahan ka hortagga cudurkaan, laakiin haddaan iskaashanno oo fariimaha caafimaadka aan wadajir u fulinno waxaan ku guulaysan karnaa.” ayuu yiri markale Madaxweynihii hore.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Soomaaliya uu si weyn ugu sii faafayo cudurka Coronavirus oo illaa iyo hadda la shaaciyey kiisas gaaraya ku dhowaad 500 oo ruux.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this