Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda QARDHO iyo Saciid Deni oo u ambabaxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Qardho (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee Magaalada Qardho naga soo gaarayo ayaa sheegayo inay dhimashada ka dhalatay roobabkii ka da’ay halkaas ay mareyso illaa 7 qof.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ugu yaraan 10 ruux biyuhu qaateen walina lahayn nolol iyo geeri toona sida ay ku waramayaan dadka deegaanka, waxaana dadaal loogu jiraa sidii loo heli lahaa dadkaasi.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey inay roobabkaas ku dumeen guryo badan iyo goobo ganacsiga, waxaana barakacay qoysaskii ku gurya belay fatahaadda, kuwaas oo qaarkood la dejiyay iskuullo ku yaalla gudaha magaalada, halka qaar kalena aan weli loo helin meel la dejiyo.

Biyo aan badnayn ayaa wali dhexmaraya magaalada, inkastoo ay ka awoodyar yihiin qaabkii xalay ay ku bilaawdeen sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka tirsan dadweynaha Qardho.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhoweyd u ambabaxay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Madaxweynaha  iyo wafdiga uu hoggaaminayo , ayaa u kuur-geli doona khasaaraha naf iyo maal leh ee ka dhashay daadadkii xalay ku fatahay magaalada Qardho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si wadajir ah loogu gurmado Shacabka ay dhibaatada ku heysato Magaalada Qardho.

“Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan u uga qayb qaadanlahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee maanta ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan reer guuraaga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan daadadka iyo fatahaadaha maadaama lagu gudo jiro xilli roobaadkii.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this