Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Ibraahim Macallin oo laga saaray xubinimada NISA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Nabad-Sugida Gobolka Banaadir Ibraahim Macalin ayaa laga ruqseeyay xubinnimadii Hay’adda NISA, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan hay’adda ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Ibraahim Macallin ayaa waxaa horraantii bishii March xilka ka qaaday agaasimaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin, ayada bil kadibna xilkaas loo magacaabay Yaasiin Farey, oo horey u ahaa madaxii ilaalada gaarka ah ee Fahad.

Ilo-wareedyo ka tirsan hay’adda ayaa Caasimada Online u sheegay in ka ruqseynta Ibraahim Macallin ee hay’adda loo cuskaday eedeymo la xiriira inuu ku dhaqaaqay falal ka hor imanaya danaha qaranka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay hoggaanka hay’adda.

Qoraalkan ayaa laga hor aqriyey hoggaanada kala duwan ee hay’adda oo lala wadaagayay eedeynta sarkaalkaas iyo go’aanka ka saarida xubunnimada hay’adda.

Caasimada Online uma suurta-gelin inay la xiriirto Ibraahim Macallin, si ay wax uga weydiiso tallaabadan iyo eedeymaha loo jeediyey.

Ibraahim Macallin ma ahan sarkaalkii ugu horreeyey ee ka tirsan NISA ee waayo xubinnimada hay’adda.

Dhowr sarkaal, oo uu ugu horreeyo taliye ku-xigeenkii hore ee NISA Cabdala Cabdalla ayaa laga saaray hay’adda kadib markii loo soo jeediyey eedeymo kala duwan, oo ay ka mid yihiin inay ku xadgudbeen hanaanka shaqo ee saxda ah ee hay’adda iyo inay ku kaceen falal ka hor-imanaya danaha qaranka.

Cabdalla Cabdalla, ayaa markii dambe xitaa laga xayuubiyey darajooyinka ciidan kadib amar kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this