Sign in to follow this  
Deeq A.

Warta Nabadda oo xalay guul ka gaartay degmada Marka

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir ayaa xalay guul ka gaartay dhiggeeda degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Labada degmo oo ku wada jiray Group-ka C is aragiisa 1-aad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa muujiyey dadaal badan, hayeeshee waxay guusha raacday Warata Nabadda oo la timid 14 dhibcood, halka Marka ay keensatay 10 buundo.

Warta Nabadda ayaa sidaasi noqotay degmadii labaad ee guul gaarta, tan iyo markii la bilaabay tartanka, waxaana ka horreeyey oo kaliya degmada Dayniile ee gobolka Banaadir oo ka badisay dhiggeeda degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dhinaca kale barnaamijka oo caawa galaya habeenkiisa 6-aad ayaa waxaa ku ballasan degmooyinka Xamar-Jajab iyo Cabdicasiis oo ka wada tirsan gobolka Banaadir

Labadaan degmo ayaa sidoo kale u dambeeya Group-ka C, is aragiisa koowaad ee tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this