Deeq A. Posted April 28, 2020 Warbixin uu soo saaray taliska Africom ee Mareykanka ayaa lagu faah faahiyay khasaaraha dad shacab ka soo gaaraay duqeymo diyaaradahooda ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya. Mareykanka ayaa warbixintan ku qirtay in duqeyn uu ka fuliyay Soomaaliya 24-kii February 2019-kii ay ku dhinteen laba ruux oo shacab ah, saddex kalana ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale Mareykanka ayaa warbixintiisa ku sheegay in isla duqeyntaasi ay ku dileen saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo duqeynta ay la beegsadeen. Ugu dambeyn Mareykanka ayaa shaaciyey in intii u dhexeysay bilihii February 2019 iyo March 2020 uu 91 duqeymo ah ka fuliyey dalalka Libya iyo Soomaaliya.. View the full article Share this post Link to post Share on other sites