Deeq A. Posted April 28, 2020 Guddoomiyaha shirkadda nadaafadda Udgoon ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, Mudane Cali Yuusuf Axmed ayaa sheegay in guddoomiyaha degmadasi Mahdi Faarax Cabdulle uu bilaabay in lacago sharci darro uu ka qaado shirkaddaasi. Cali Yuusuf ayaa sheegay in guddoomiyaha oo adeegsanayo awood uu ku amray shirkadda inay bixiso lacagahaasi oo baad ah, haddii kale uu shaqada ka joojinayo. Sidoo kale guddoomiyaha shirkadda nadaafadda ee Udgoon ayaa carabka ku dhuftay in lacagta laga doonayo ay tahay mid ka baxsan canshuurta uu bixiyo. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay maamulka G/Banaadir inuu soo faro-geliyo arrintan, si wax looga qabto dhibaatada uu wado guddoomiyaha degmada Cabdicasiis. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Cali-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites