Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis oo la eedeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha shirkadda nadaafadda Udgoon ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, Mudane Cali Yuusuf Axmed ayaa sheegay in guddoomiyaha degmadasi Mahdi Faarax Cabdulle uu bilaabay in lacago sharci darro uu ka qaado shirkaddaasi.

Cali Yuusuf ayaa sheegay in guddoomiyaha oo adeegsanayo awood uu ku amray shirkadda inay bixiso lacagahaasi oo baad ah, haddii kale uu shaqada ka joojinayo.

Sidoo kale guddoomiyaha shirkadda nadaafadda ee Udgoon ayaa carabka ku dhuftay in lacagta laga doonayo ay tahay mid ka baxsan canshuurta uu bixiyo.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay maamulka G/Banaadir inuu soo faro-geliyo arrintan, si wax looga qabto dhibaatada uu wado guddoomiyaha degmada Cabdicasiis.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Cali-.mp3

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this