Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad looga shakiyey Covid-19 oo la dhigay isbitaalka Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha isbitaalka Baraawe, Dr Cabdullaahi Cabdiraxmaan Nuuraane oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in isbitaalkaasi la dhigay dadka looga shakiyey Covid-19.

Dr Nuuraane oo aan shaacin tirada dadkaasi ayaa sheegay in lagu arkay calaamado u eg kuwa uu leeyahay cudurka faafa ee Coronavirus.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hal qof oo ka mid ah bukaanada la jiifiyey isbitaalka uu saacadihii la soo dhaafay geeriyooday.

Agaasimaha isbitaalka weyn ee magaalada Baraawe ayaa sidoo kale baaq u diray wasaaradda caafimaadka Koonfur Galbeed iyo mida dowladda Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Baraawe.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this