Deeq A. Posted April 28, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qoraal kooban soo saaray ayaa wuxuu uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee haatan u dhexeeya madaxda sare ee maamulka HirShabelle. Cabdukariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay labada dhinac ay is haya inay wax weliba ku dhameeyaan is-afgarad iyo wadahadal, si loo soo afjaro khilaafkaasi. “Waxaa muuqda maalmahan mooshino iska soo horjeeda iyo khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxda sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle, waxaan ku baaqayaa xaaladda in la dajiyo, waxii khilaaf iyo is afgarasho waa ah ee jirana lagu xaliyo is faham iyo wadahadal” ayuu yiri qoraalkiisa ku yimid Mudane Cabdkariin Xuseen Guuleed. Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in xilligan oo lagu jiro xaalad adag aysan HirShabelle u baahneyn khilaaf ee looga fadhiyo madaxda maamulkaas inay u adeegaan shacabka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale Guuleed ayaa hoosta ka xariiqay in khilaafkaan haddii uu sii socdo uu horseedayo burbur ku yimaada jiritaanka maamulka HirShabelle. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoon haatan mooshino ay iska hor jeeda oo laga kala gudbiyey guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed Maxamed iyo Madaxeyne Waare ay ka socdaan gudaha magaalada Jowhar. Share this post Link to post Share on other sites