Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Daadad xoogan oo ku rogmaday QARDHO iyo khasaare culus oo ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay gudaha magaaladaasi uu ka da’ay roob xoogan oo sababay daadad geystay dhimasho iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka.

Daadadka oo ahaa kuwa xoogan ayaa saameyn ku yeeshay guud ahaan magaalada Qardho, waxaana ku rogmaday gawaari u badan kuwa xamuulka ah.

Muuqaalo la soo duubay waxaa ka muuqda biyaha oo ka sare maray gaadiidka, gawaari rogmaday iyo dhismaha qaar, waxaana dhibaatada ugu daran ay soo gaartay dan-yarta.

Taliyaha qeybta Booliska ee gobolka, Gaashaanle Sare Cabdi Caseer Yuusuf oo ka warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ayaa BBC uu sheegay in dadaadka ay ku dhinteen illaa saddex qof oo ka mid ah dadka deegaanka, kuwa kalena ay dhaawacmee.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in khasaaraha uu intaas ka badan karo, islamarkaana ay weli socdaan gurmad lagu baadi goobayo dad kale oo la la’yahay.

Xaaladda ayaa saaka ah weli mid cakiran, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in qoysas badan ay ku xayiran yihiin xaafado ka tirsan magaalada Qardho.

Gaari-Candho-meedle-ah-696x522-1.jpg Qardho.jpg 94612535_2621610048108307_65201151625763 94644416_2621610104774968_85206923833843

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this