Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh CALI DHEERE oo ka hadlay CORONAVIRUS iyo ‘halka uu Somalia kasoo galay’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka guud ee Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay cudurka faafa ee Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya dalal badan oo ay ka mid tahay Soomaaliya iyo halka uu Soomaaliya ka soo galay.

Sheekh Cali Dheere oo soo duubay fariin maqal ah ayaa marka hore dardaaran iyo talooyin u jeediyey dhammaan Muslimiinta, gaar haan dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in cudarkaan uu si gaar ah ugu faafay wadamo uu ku sheegay inay cadow ku yihiin Islaamka iyo Muslimiinta, inkasta oo xaqiiqda ay tahay in dalal badan oo Muslim ah oo Soomaaliya ay ku jirto uu sidoo kale ku faafayo cudurka.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale intaasi ku daray in cudurada sidoodaba ay yihiin ciqaab iyo cannaan xaga rabi uga timid addoomadiisa Gaal iyo Muslim.

“Cudurkan marka loo fiiriyo dalalka kuw ugu cadawsanaa xaga Islaamka iyo Muslimiinta ayuu ku faafay, Cuduradan maxay yihiin maxaa u sabab ah, muslimiinta maxaa uga aadan, cidii muslim ee uu ku dhacay maxaa la gudboon, maxaase looga hortagi karaa ama u daawo ah, cudurada waa ciqaab iyo cannaan  xaga rabi uga timid addoomadiisa, gaal iyo muslim, si uu xasuusuiyo dulmiga iyo macaasida faraha kula jiraan, ayna ogaadaan cadaab kan ka adag inuu dambeeyo,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Waxa kale oo uu Afhayeenka Al-Shabaab soo hadal qaaday sida uu cudurkaan u sameeyey Soomaaliya, wuxuuna carabka ku dhuftay in bilowgiisa uu dalka ka soo galay kana dillaacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, ee shisheeyaha ay degan yihiin, sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Cali Dheere oo hadalkiisa sii wata ayaa dhaliilay sida ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ula taacaaleyso xananuunkaan, isaga oo shaaciyey in Masaajidada ay xirtay, halka ay furan yihiin goobaha munkarka, sida uu hadalka u dhigay.

“Umadda waa la cunaqabateeyay ishii cudurka ka soo faafayay ee Xalane cidna waxba kama qaban, loomana socdo, goobaha munkarka waa furan yihiin halka masaajidada iyo dusgiyada waa hore lagu soo rogay in la xiro, tan kale masaajidada waa halkii la rabay in loo cararo oo si allaah laga baryo in si uu cudurkan nooga badbaadiyo in ayaga laga bilaabo waxaa leenahay baroorta orgiga ka weyn, dano kale ayaa jira, in anagoo muslimiinta nagala xiro masaajidada,” ayuu yiri markale yiri Afhayeenka Al-Shabaab.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka Muslimiinta ahi inay muujiyaan taxadar, islamarkaana ay Alle ka baryaan inuu ka dulqaado cudurkan iyo dhibaatooyinka heysta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this