Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo si deg deg ah ugu ambabaxay magaalada Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goor dhoweyd u ambabaxay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, halkaas oo ay khasaaare laxaad leh u gaysteen daadad xooggan oo xalay ku rogmaday.

Madaxweynaha  iyo wefdigiisa ku wajahan magaalada Qardho, ayaa u kuur-geli doona khasaaraha naf iyo maal leh ee ka dhashay daadadkii xalay ku fatahay magaalada Qardho, kadib roobab mahiiggaana oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay gobolka Karkaar, kuwaas oo ay dheertahay diiqalyo xooggan oo ka soo rogmatay dhanka gobolka Sool.

Ilaa lix ruux ayaa la xaqiijiyay, in ay ku dhinteen daadadkaas, halka weli la la’yahay todoba qof oo kale nolol iyo geeri midkoodna, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degmada Qardho.

Sidoo kale,  guryo aad u fara badan iyo goobo ganacsi oo muhiima ayaa ku dumay daadadka, waxaana barakacay qoysaskii ku gurya belay fatahaadda, kuwaas oo qaarkood la dejiyay iskuullo ku yaalla gudaha magaalada, halka qaar kalena aan weli loo helin meel la dejiyo.

In ka badan 20 gaadiidka yar yar ah, ayaa sidoo kale la soo weriyay in daadadku qaateen, islamarkaana waxa qallibmay gaadiidka waaweyn qaarkood oo lagu toosiyay wiishash.

Suuqii weynaa ee magaalada Qardho ayaa isna aasmay, waxaana isu ekaaday raashinkii bakhaarada yaallay iyo burburka dhismayaasha, sida ay laga soo xigtay ganacstada qaarkood.

Gurmad ballaaran oo ay dowladdu hoggaaminayso, ayaa haatan ka socda magaalada Qardho, iyadoo la tira-koobayo khasaaraha dhimashada iyo burburka hantiyeed ee fatahaaddaas ka dhalatay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo si deg deg ah ugu ambabaxay magaalada Qardho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this