Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa badan inta jeer ee lagu banaan-baxay Farmaajo iyo inta loo banaan-baxay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii la soo dhaafay waxaa aad loo hadal hayaa banaanbixii ka dhacay Muqdisho ee lagu jeex jeexay sawirada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siyaasiin iyo qeybaha Bulshada ayaa aad uga hadlay arrintaan waxaana laga bixiyay macno kala duwan. Dadka qaar ayaa ku tilmaamay in Madaxweynaha ay bulshada naceen halka qaarkoodna ay ku micneeyeen in sawirada ay gubeen dad dano siyaasadeed leh oo banaanbaxa ku jiray.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa soo maray waayo loo banaanbaxo iyo maalmo lagu banaanbaxo, waxaana maanta eegi doonaa tirada inta aan ka xasuusano ee lagu mudaharaaday iyo inta loo banaanbaxay ee diiwaanka galay.

Banaanbaxyadan waa kuwa shacabka iskood u abaabuleen, kumana jiraan kuwa dowladda abaabusha iyo kuwa ay abaabuleen mas’uuliyiin kasoo horjeeda dowladda ama madaxweynaha.

Markii ugu horeysay Madaxweynaha Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u banaanbaxeen isagoo Ra’iisul wasaare ah sanadkii 2011. Xiligaas waxa uu xilkiisa ku waayay heshiiskii Kampala Acord oo ay qeybta ka ahaayeen Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan oo Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare ka ahaa Soomaaliya.

Markii 2-aad ee loo banaanbaxay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay aheyd 2017 markii uu ku guuleestay doorashadii Soomaaliya, waxaana markaas ay bulshada dhigeen isu soo baxyo waa weyn.

Markii ugu horeysay ee lagu banaanbaxo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi islamarkaana sawiradiisa la gubay waxay dhamaadka sanadkii 2018-kii kadib markii dadweyne ka careysan Xariga Abuu Mansuur ay isugu soo baxeen Baydhabo. Sidoo kale dadkaas waxay ka cabanayeen shacab ay ciidanku dileen iyo kuwa kale oo la xiray.

Markii 2-aad ee lagu banaanbaxay Madaxweynaha Soomaaliya waxay bartimihii sanadkii 2019, waxaana banaanbax booliska looga cabanayo ka dhigay Muqdisho wadayaasha Mooto Bajaajta kuwaas oo qaarkood gubay sawirada Madaxweynaha. Sidoo kale wadayaasha ayaa ka cabanayay dilalka ciidamada iyo xirnaanshiyaha wadooyinka inkastoo markii dambe la xaliyay. Dadka qaar ee taageera Madaxweynaha ayaa dood ka qaba Banaanbaxaa waxayna sheegaan in uusan kamid aheyn kuwa madaxweynaha looga soo horjeeda balse xaqiiqda jirta ayaa ah in Madaxweynaha uu doorasho ku yimid islamarkaana ay xaq u leeyihiin in shacabka ku banaanbixi karaan.

Banaanbixii 3-aad oo ah kii todobaadkaan ayaa noqday mid kale oo looga soo hor jeedo Madaxweyne Farmaajo waana mid kamid ah kuwii ugu adkaa ee lagu beegsado sawirada Madaxweynaha. Banaabaxyada lagu gubay ama lagu fiiqay sawirada Madaxweynaha waxay qaarkood ka bilaawdeen dhacdooyinka ciidanka ay geestaan.

Caasimada Online waxay banaanbaxyada Madaxweynaha looga soo horjeedo ay ka reebtay banaabaxo lagu sheegay kuwa siyaasadeed waxaana kamid ah qaar ka dhacay Kismaayo iyo meelo kale.

Arrintaan ayaa u muuqato in saddex jeer lagu banaanbaxay Madaxweynaha laba jeerna taariikhdiisa loo banaanbaxay dhamaana madaxweynaha kama uusan hadlin banaanbaxyadii looga soo horjeeday, halka uu ka hadlay kuwii lagu taageeray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this