Sign in to follow this  
Deeq A.

DF iyo Axmed Madoobe oo ku loolamaya sheegashada guul laga filayo magaalada…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid u deg-degeysa sheegashada xoreynta deegaanka Bu’aale, oo la aaminsan yahay inay ku sugan yihiin Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Sheegashada guusha lagu xoreynayo Bu’aale ayaa sidoo kale waxa dadaal weyn ugu jira Madaxweynaha ay dowladda federaalku kasoo horjeedo ee Axmed Madoobe, maadama ay Bu’aale ay tahay xarunta rasmiga ah ee maamulka Jubbaland.

Bu’aale ayaa la sheegaya inay ku xoogan yihiin kooxda Al-shabaab, isla markaana ay ku sugan-yihiin hogaanka sar-sare ee kooxdaasi, midaasi oo sheegashada guushaasi ka dhigeysa mid sumcad weyn ka dhalato.

Dowladda federaalka ayaa la sheegayaa iyadoo kaashaneysa ciidamo Itoobiyaan ah inay ku wajahan-yihiin deegaankaasi, midaasi oo soo ifbixisey deg-dega ay dowladdu ugu jirto sheegashada xoreynta Bu’aale.

Dadaalada xoreynta Bu’aale ayaa ka kooban labo garab, maadama uusan xiriirka Dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland uusan wacneyn oo uu aad u hooseeyo, taasi oo ka dhigan in sheegashada xoreynta Bu’aale ee labada dhinac uusan isla jirin.

Dowladda ayaa hore u geysay ciidamo badan qaar kamid ha deegaanada Gedo, kuwaasi oo maamulka Jubbaland uu ku tilmaamay in daabulida ciidamadaasi laga leeyahay ujeedo siyaasadeed, midaasi oo horseeday khal-khal amni.

Dadka qaar ayaa aaminsan in ujeedka Dowladdu ka leedahay dadaalada sheeegashada xoreynta Bu’aale ay laftigeedu tahay mid siyaasadeysan maadama uu mudo xileedkeedu uu gabaabsi yahay, iyada oo hore ugu guuldareysateyna soo afjarida dagaalka Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this