Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif oo shaaciyey in Soomaaliya aysan awood u laheyn ka hortagga Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo war qoraal ah soo saaray ayaa wuxuu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo haatan fara ba’an Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa shaaciyey in xanuunkaan oo ay wax ka qaban waayeen dowlado waa weyn aysan Soomaaliya awood u laheyn xakameyntiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kaliya looga guuleysan karo Covid-19 iskaashi buuxa oo laga yeesho la dagaalankiisa.

“Xanuunka Covid-19 waxaa la itaal daran oo wax ka qaban la dowladahii aduunka ugu awoodda badnaa, sidaa awgeed Soomaaliya awood badan uma lahan ka hortagga cudurkaan, laakiin haddaan iskaashanno oo fariimaha caafimaadka aan wadajir u fulinno waxaan ku guulaysan karnaa”. ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in haatan xaaladda dalka ay mareyso meel aad u adag, isagoona dadka Soomaaliyeed kula taliyeyn inay qaataan talooyinka caafimaadka ee loo gudbinayo.

“Khatarta cudurka Coronavirus ee dalkeenna waxay maraysaa xaalad adag oo u baahan in aad loo raaco talooyinka dhakhaatiirta caafimaadka ay noo soo gudbinayaan sida, Sanka & afka oo la xirto, in gacmaha oo saabuun lagu dhaqo,in Gacmaha oo laga ilaaliyo afka,sanka & indhaha iyo in la kala fogaado ugu yaraan laba mitir.” ayuu markale yiri Sheekha

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya ay ii cagacageynayaan ku dhowaad 500 oo qof, taas oo marba marka ka dambeysa ka sii dareyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this