Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo qirtay inuu shacab ku dilay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa qirtay in duqeyn sanadkii hore uu ka fuliyey Soomaaliya ay ku dileen dad rayid ah.

Warbixin seddax biloodle ah, oo loogu tala galay in si hufan loo baaro wararka sheegaya in dad rayid ah lagu dilay weerarada Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in duqeyn dhacday 23-kii bishii Febraayo ee sanadkii 2019-kii lagu dilay laba qof rayid.

Sidoo kale warbixinta AFRICOM waxaa lagu sheegay in seddax qof oo kalena oo rayid ah lagu dhaawacay duqeyn ka dhacday deegaanka Kuunyo Barow ee gobolka Shabeelladha Hoose.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa warbixintan ku sheegay inay aad uga xun yihiin dadka rayidka ah ee ku dhimatay duqeyntaas iyo kuwa ku dhaawacmaba,

Dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dadkaas waxay sheegtay AFRICOM inay ka dhalatay meel ay Al-Shabaab ku keydiyeen hub iyo waxyaabaha qarxa oo ay diyaaraduhu bartilmaameed sadeen.

Waayihii dambe waxaa iska soo daba dhacaayey eedeymo sheegayey in duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha Mareykanka lagu bartilmaameedsado dad rayid ah, balse warbixintan ayaa meesha ka saartay eedeymo hore oo loo soo jeediyey AFRICOM, balse waxa ay qiratay wax yeeleynta shan qof oo laba dhimatay, kuwaas oo ahaa rayid aan waxba galabsan.

Warbixinta Taliska Mareykanka ee Afrika laguma shaacin wax magdhow ah oo la siinayo dadkan rayidka ah oo ay qirteen inay duqeymahooda ku dileen qaarna dhaawaceen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this