Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobabka gu’ga oo daadad xooggan ku fatahay magaalada Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   

Roobab mahiiggaana oo saacadihii u dambeeyay si xawliya uga da’ayay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa daadad xooggan ku celiyay xaafadaha kala duwan ee Qardho.

Daadadka oo xooggoodu ka dhashay Roobkii galabta iyo caawa ka da’ay gobolka Karkaar ayaa buux dhaafiyay xaafadaha magaalada Qardho waxaana la soo sheegaya in gurya badan dumeen halka qaar kalena laga cabsi qabo in ay dumaan haddii daadadku sii socdaan.

Sidoo kale biyaha Roobka ayaa qoysas badan guryaha ku buuxiyay halkaas oo laga daad-gureeyay carruurta iyo dadka tabarta yar islamarkaana ay agabyo kala duwan qaateen.

Ilaa iyo haatan si rasmiya looma xaqiijin khasaaraha ka dhashay daadadkaas ku rogmaday Qardho balse waxaa la hubaa in ay saameeyeen dhammaan xaafadaha magaalada.

Maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho ayaa dhankooda wada dadaal xooggan oo loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen daadadka si loo badbaadiyo xaafadaha buuxsamay ee khatarta ku sugan.

PUNTLAND POST

The post Roobabka gu’ga oo daadad xooggan ku fatahay magaalada Qardho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this