Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahin ku saabsan dil caawa ka dhacay MASJID ku yaalla Muqdisho hortiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in koox hubeysan ay caawa degmadaas ku dishay sarkaal ka tirsanaa Booliska Soomaaliya.

Dilkan oo dhacay salaadii Makhrib kadib ayaa sarkaalkaas loogu geystay xaafadda Jaamacadaha ee degmada Hodan, xilli uu kasoo baxay masaajid aan sidaas uga fogeyn xaafadiisa.

Magaca marxuumka la dilay waxaa lagu soo koobay Nuur Gaab, waxayna kooxdii dishay kala kulantay iska cabin kooban, maadaama uu hubeysnaa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray xaafadda uu dilku ka dhacay ee Jaamacadaha oo ka tirsan degmada Hodan, waxayna halkaas ka bilaabeen baaritaano dad badan lagu soo qab-qabtay, waxaana illaa hadda xaafadaas ka socda howlagallo ay sameynayaan ciidamo boolis ah.

Ma jirto cid lagu tuhmayo dilka sarkaalkaas oo la shaaciyey in lasoo qabtay, balse dadka xaafadaas ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay hal goob iskugu geeyeen dhamaan dhalinyaradii xaafadda.

Xalay ayaa sidaan oo kale dabley makhribkii dil ka geysatay qeybo ka tirsan degmada Dharkenley, waxaa toogtay ciidamada ammaanka, kuwaas oo gaarayey laba nin oo bastoolado ku hubeysnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this