Deeq A. Posted April 27, 2020 Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay xaqiijisay 12 kiis oo Coronavirus ah, kuwaas oo laga helay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ee dalkaasi. Xoghayaha maamulka wasaaradda caafimaadka Kenya, Dr Rashiid Amaan ayaa sheegay in sideed kiis oo cudurka ah ay ka heleen Nairobi, afar kalana laga helay Mombasa. Dr Rashiid Amaan ayaa xusay in sideeda kiis ee laga helay caasimadda Kenya ee Nairobi sadex ka mid ah ay yihiin dad Soomaali ah oo dhawaan ka soo laabtay Soomaaliya. Sidoo kale xoghayaha maamulka ee wasaaradda caafimaadka dalka Kenya ayaa tilmaamay in kiisaska magaalada Nairobi laga helay xaafadaha Kibera, Karen, Dandora, Kasarani, South B, Umoja iyo xaafadda Islii oo Soomaalida ugu badan dalka Kenya ay ku nool yihiin. Kenya ayaa ka mid ah dalalka geeska Africa ee uu saameeyey cudurka dunida aafeeyey ee COVID-19, iyadoo ku dhawaad 500 oo kiis ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka dalkaas. View the full article Share this post Link to post Share on other sites