Deeq A. Posted April 27, 2020 Cabdullaahi Macalin oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyey xilka qaadistii uu Madaxweynaha Soomaaliya ku sameeyey ku xigeenada G/Banaadir. Siyaasiyaan oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda, Ibraahim Cumar Mahad Alle arrinta uu ku fashilmay ay tahay in uu shaqaaleysiiyey dad aan wax qori karin, waxna aan aqrin karin, siduu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in guddoomiye ku xigeenka dhanka howlaha guud ee xilka laga qaaday isaguna uu ku fashilmay shaqooyinkii loo igmaday. Siyaasiga Cabdullaahi Macalin oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey mas’uuliyiintaasi muddada ay joogeen xafiiska inay ku kaceen musuq-maasuq iyo wax is-daba marin. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in labada ma’suul aan loogu simin xil ka qaadis, sidoo kalena ay mudan yihiin in xabsiga la dhigo, si ay tusaale ugu noqdaan in la waayo ma’suul dowladeed oo ku dhiirada inuu qaato hantida dadka Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/COD.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites