Sign in to follow this  
Deeq A.

Xil ka qaadistii Mahad Alle oo la soo dhoweeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdullaahi Macalin oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyey xilka qaadistii uu Madaxweynaha Soomaaliya ku sameeyey ku xigeenada G/Banaadir.

Siyaasiyaan oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda, Ibraahim Cumar Mahad Alle arrinta uu ku fashilmay ay tahay in uu shaqaaleysiiyey dad aan wax qori karin, waxna aan aqrin karin, siduu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in guddoomiye ku xigeenka dhanka howlaha guud ee xilka laga qaaday isaguna uu ku fashilmay shaqooyinkii loo igmaday.

Siyaasiga Cabdullaahi Macalin oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey mas’uuliyiintaasi muddada ay joogeen xafiiska inay ku kaceen musuq-maasuq iyo wax is-daba marin.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in labada ma’suul aan loogu simin xil ka qaadis, sidoo kalena ay mudan yihiin in xabsiga la dhigo, si ay tusaale ugu noqdaan in la waayo ma’suul dowladeed oo ku dhiirada inuu qaato hantida dadka Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/COD.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this