Deeq A. Posted April 27, 2020 Waxaa suuqyada lagu iibiyo Qudaarta noocyadeeda kala duwan ee magaalada Muqdisho laga dareemayaa sare kac xoogan uu ku yimid qiimaha la kala siisto. Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobollada Soomaaliya ayaa biyo dhigay beeraha, taas oo sababtay in aan gudaha loo gali karin. Sidoo kale waxa jira dhibaatooyin ay wadada kala kulmaan gaadiidka Qudaarta keena Muqdisho, kuwaasi oo safar dhib badan ku soo gaara magaalada Muqdisho. Noocyada kala duwan ee Qudaarta ayaa haatan la iibanayaa qiimo ka badan midkii hore ee la kala siisan jiray, xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/www.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites