Sign in to follow this  
Deeq A.

Kiisaska COVID-19 Ee Jabuuti Oo Dhaafay Kun Qof

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Mas’uuliyiinta caafimaadka dalka Jabuuti ayaa xaqiijiyey in dowladda ay diiwaan-gelisay 12 kiis oo cusub oo ah cudurka COVID-19.

Tiradan cusub ayaa kiisaska guud ee dalkaas laga diiwaan-geliyey waxay ka dhigeysaa 1035.

Si kastaba, dhimashada Jabuuti ee cudurka ayaa ah kaliya laba qof, taasi oo aad u yar marka loo eego tirada kiisaska la xaqiijiyey. 477 qof oo ka mid ah dadkii cudurka laga helay ayaa bogsaday.

Jabuuti ayaa ah dalka laga diiwaan-geliyey kiisaska ugu badan COVID-19 ee Bariga Africa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this