Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha  Dowlad goboleedka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen u magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in loo baahanyahay in la dar dar geliyo Amniga deegaanada Maamulka Puthland islamarkaana taliyaha Cusub looga baahanyahay in la yimaado isbedel muuqda si loo xaqiijiyo Amniga iyo bad qabka bulshada reer Puthland.

Sido kale Madaxweyne dowlad Goboleedka Puthland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xil-ka-qaadis ku sameeyay Taliye Xigeenada Ciidanka Booliska Dowladda Puntland .

Labada sargaal ee xilka uu madaxweynuhu ka qaaday ayaa kala ah S/Guuto Bile Faarax Cali Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Gaashaanle Sare Axmed Maxamuud Cali taliye ku xigeeen 2-aad ee Ciidanka Booliska iyo .

(Jeenitaag) Taliye ku xigeenka 3-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

                                               

Goobjoog News

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this