Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Sagaal qof oo hor leh oo u geeriyootay Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in sagaal qof oo hor leh ay xalay u geeriyootay cudurka faafa ee Coronavirus.

Qoraal kooban oo wasaaradda ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in dadkaasi ay ku dhinteen isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen 9 bukaan kuwaas oo xalay ku geeriyooday isbitaal Martiini.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Tirada dadka u geeriyooday cudarka Covid 19 inta la diiwaan galiyey ayaa gaareysa illaa 32 ruux, halka dadka uu soo ritay ay cagacageyneyso 436 oo qof.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this