Deeq A. Posted April 27, 2020 Waxaa caawa barnaamijka tartan aqooneedka TV-ga iyo Idaacadda Shabeele ee bisha barakeysan ee Ramadaan isaga hor imaan doono degmooyinka kala ah Warta Nabadda iyo Marka oo ka kala tirsan gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Labada degmo oo qeyb ka ah group-ka C oo ay ku wada jiraan illaa afar degmo ayaa waxaa caawa lagu bilaabi doonaa Warta Nabadda iyo Marka. Diyaar garowgii ugu dambeeyey ayey haatan wadaan tartamayaasha labada degmo oo kala matali doono gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Barnaamijka tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo haatan maraya weereegiisii koowaad ayaa waxaa xalay wacdaro ka dhigtay degmada Dayniile, kadib markii ay guul ka gaartay dhiggeeda degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana sidaas ay ku noqotay degmadii ugu horreysay ee badisa, tan iyo markii uu bilowday tartanka. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites