Deeq A. Posted April 27, 2020 Degmada Dayniile ayaa xalay guul taariikhi ah u soo hoysay gobolka Banaadir, kadib markii ay ka badisay dhiggeeda degmada Balcad ee gobolka Sh/ Dhexe oo ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Labada degmo oo u dambeeyey Group-ka B is aragiisa koowaad ayaa muujiyey dadaal fara badan hayeeshee waxa ay guusha raacday tartamayaasha Dayniile oo la yimid dhibco gaaray 10, halka Balcad ay keensatay 8 buundo. Dayniile ayaa noqotay degmadii ugu horreysay ee guul gaarta, tan iyo markii la bilaabay tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Barnaamijka oo caawa galaya habeenkiisa 5-aad ayaa waxaa ku madalsan degmooyinka Warta Nabadda iyo Marka oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Sidoo kale labadaan degmo ayaa ku wada jira Group-ka C, is aragiisa koowaad oo caawa lagu daah-furi doono Warta Nabadda iyo Marka. Taaba-gelinta sanadkaan tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites