Sign in to follow this  
Deeq A.

Suxufi Toogasho Lagu Dhaawacay Magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Aadan Jaamac Oogle oo ka mid ah suxufiyinta gobolka Sool ayaa  dhaawac xabad ah loogu geystey magaalada Laascaanood xarunta gondola Sool xalay maqribkii.

Suxufigan ayaa laba xabadood ay kaga dheceen garabka bidix iyo gacanta, waxaana lagu dabiibayaa Cisbitaalka Gargaar isagoo ay  xaaladiisu ka soo raynayso sida ay hawlwadeeno caafimaad noo sheegeen.

Warar is khilaafsan ayaa  ka soo baxaya sababta keentay weerarka lagu dhaawacay Oogle iyadoo wararka qaar sheegayaan in muran dhexmaray uu sababay, waxaase ciidanka booliska ay qabteen ninkii falka geystey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this