Deeq A. Posted April 27, 2020 (SLT-Laascaanood)-Aadan Jaamac Oogle oo ka mid ah suxufiyinta gobolka Sool ayaa dhaawac xabad ah loogu geystey magaalada Laascaanood xarunta gondola Sool xalay maqribkii. Suxufigan ayaa laba xabadood ay kaga dheceen garabka bidix iyo gacanta, waxaana lagu dabiibayaa Cisbitaalka Gargaar isagoo ay xaaladiisu ka soo raynayso sida ay hawlwadeeno caafimaad noo sheegeen. Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya sababta keentay weerarka lagu dhaawacay Oogle iyadoo wararka qaar sheegayaan in muran dhexmaray uu sababay, waxaase ciidanka booliska ay qabteen ninkii falka geystey. Source Share this post Link to post Share on other sites