Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNTALDN oo gacanta ku dhigtay rag dil iyo dhac ka geystay gobolka SANAAG

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay maleeshiyaad hubeysan oo shalay dil iyo dhac ka geystay qeybo ka mid ah gobolka Sanaa .

Ragga lagu soo qabtay howlgalka ay sameeyeen ciidamada ayaa tiro ahaan gaaraya illaa labo ruux, kuwaas oo shalay toogasho ku dilay marxuum Cabdiwahaab Cawil, xilli ay kala dageen gaari uu watay oo marayey inta u dhaxeysa deegaannada Cawsane iyo Midigale ee gobolkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag ayaa tilmaamay inay gacanta ku dhigeen gaariga marxuumka oo ay horay u kaxeysteen raggaasi iyo laba qoray oo ay wateen.

Saraakiishaan ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ay ku raad joogaan saddex ruux oo kale oo ka tirsanaa maleeshiyaadka la soo qabtay.

Inta badan dilalka ka dhaca Sool iyo Sanaag ayaa waxa ay salka ku hayaan dilal la xiriira aanooyin Qabiil, kuwaas oo ay isku geystaan beelaha wada daga gobolladaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this