Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaacisay tirada ajaaniib ay sheegtay inay ku dishay weerarki Xalane

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa war cusub ka soo saartay weerarkii madaafiicda ee ay shalay ku qaaday gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa ay guullo uga sheegateen weerarkaasi, iyaga oo shaaciyey inay ku dileen illaa afar Ajaaniib ah oo ku sugnaa xeradaasi.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa warkaan ku sheegatay inay weerarkaasi hoobiyeyaasha ah ay ku dhaawacday illaa saddex kale, sida ay hadalka u dhigtay.

“Duqeyntii ay dagaayahanada Al-Shabaab shalay ku qaadeen Xalane waxaa ku dhintay 4 ajnabi ahaa, seddax kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray.” ayaa lagu yiri warka Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM ee degan xarunta Xalane oo ku aadan weerarkaasi.

Xalane oo ay sidoo kale dagan yihiin safaarado iyo hay’ado caalami ah ayaa waxaa xalay lagu qaaday weerar kale oo madaafiic ah, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Si kastaba ha’ahaateen weerarkii shalay ayaa waxaa khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray qoysas daganaa xaafadda lagu magacaabo Tarabuushka oo ka tirsan degmada Wadajir, kadib markii ay ku dhaceen qaar mid ka mid ah hoobiyeyaashii la tuuray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this