Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeesow oo shaaciyey tirada lacag ku baxeysa mooshinka HirShabelle iyo cidda dirtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday HirShabelle, kaas oo u dhexeeya madaxda sare ee maamulkaasi.

Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ayaa sheegay in dowlado shisheeye ay burburin ku hayaan maamulka HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu tilmaamay in dhaqaale ay bixiyeen oo loogu talo-galay la-dagaalanka Coronavirus loo isticmaalayo mooshinada iska soo horjeeda ee haatan ka socda magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Jeesow ayaa dhanka kale qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku yiri “Nasiib daro ka weyn malaha $500,000 oo coronavirus looga tala galay in loo isticmaalay xalay laaluushid xildhibaan. Lacatiis shalay ayay Jowhar gaartay, xalayna waa baxday. Dowladda federaalka ah maalin dhaw ayaan u sheegay in ay lacag kaash ah aaysan dirin.”

Xildhibaanka ayaa xusay in mudanayaasha baarlamaanka HirShabelle iyo madaxda maamulkaasi looga baahan yahay inay fiiriyaan danaha shacabka, kana tanaasulaan waxyaabaha gaarka ah ee ay isku hayaan, si looga gudbo khilaafaadka haatan jira.

Ugu dambeyn Daahir Amiin Jeesow ayaa carabka ku dhuftay in HirShabelle ay u baahan tahay bad-baadin iyo in hore loo dhaqaajiyo, si ay ula tartanto maamullada kale.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan meel saare uu gaaray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, Sheekh Cismaan Barre oo labaduba laga gudbiyey mooshino iska soo horjeeda oo uu mid kasta doonayo inuu kan kale xilka uga qaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this