Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Barre oo raba in Farmaajo iyo Khayre ay soo faro-geliyaan khilaafka siyaasadeed ee HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa ayaa ka hadlay khilaafka sii xoogeysanaya ee maamulkaasi.

Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa ka dalbaday Madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre inay soo farageliyaan xiisada kala dhexeysa Madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Maxamed Cabdi Waare, si xal looga gaaro.

Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa ku eedeeyey Waare iyo ku xigeekiisa Guudlaawe inay lunsadeen, islamarkaana ay musuq-maasuqeen hantida shacabka HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in 54 Mudane uu ka qabtay mooshin xilka looga qaadayo Madaxweynaha maamulkaasi, kuwaas oo ku eedeeyey arrimo ay ka mid tahay ku takrifal awoodeed.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya Jowhar ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah iyo kala jiidasho xildhibaanada ah laga dareemayo gudaha magaaladaasi.

Lama oga halka ay ku dambeyn doonaan mooshinada is barbar yaacaya ee ka socda HirShabelle, kuwaas oo markale banaanka soo dhigay heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka u dhexeeya madaxda maamulkaasi.

Si kastaba ha’ahaatee xiisada siyasaadeed ee ka soo cusboonaatay Jowhar ayaa ku soo aadeysa, iyadoo haatan gabagaba uu yahay muddo xileedka hoggaanka sare ee maamulkaasi.

HirShabelle oo marar badan ay hareeyeen khilaafaadyo siyaasadeed ayaa waxaa ay saameyn xoogan ku yeesheen horumarka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this