Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Sand Storm Covers Parts of Somaliland

Recommended Posts

HARGEISA

 

 

Hargaysa,(Qarannews) -Dabaylo xawaare aad u sareeya ku socda ayaa ayaamahanba ka dhacaayay magaalada Hargaysa, dabaylahani oo ah kuwii xagaaga sanadadii ina soo dhaafay kama ay dhicin caasimada ama inta in mudo ah la xasuusanyahayba, dabylahani oo wata siigo cas iyo boodh xiliyada qaarkood waxa ay isku shareereen cirka waxa ayna kol kolka qaarkood qariyaan ced ceeda oo yaraysay kulaylkii ay 2 todobaad ka hor lahayd iyada oo ay siigadani hadhaysay.

 

Marka aad joogto daan ka mid ah magaalada Hargaysa ama daanta kale ee aad fuushantahay dhulka sare waxa aad arkaysaa iyada oo ay siigadu qarisay aqaladii caadiga u muuqan jiray, hase ahaatee goobaha saaka iyo shalay ug darnaa waa goobaha banaanka ah marka aad joogto taasi oo aanad arkaynin qofka kaa horeeya.

 

Ilaa hada ma jirto waxyeelo laga soo sheegay oo ay gaysteen dabaylahani, hase ahaatee waxa ay xayirtay Hotel-da waaweyn ee Hargaysa ee lahaa barxadaha waaweyn ee baraxdooda lagu cuntayn jiray kuwaasi oo hada lagu cunteeyo gudahooda hadh iyo habaynba.

 

Dabylaha noocani ahi kuma koobna caasimada ee mar aan la xidhiidhay wariyayaasha qarannews, uga soo warama gobolada dalka oo dhan waxa ay ii sheegeen in ay dabayshani ay tahay mid ay kala simanyihiin caasimada, hase ahaatee ay gobolada qaarkood ka sii daranyihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

BERBERA

 

 

Hargeysa(Qarannews)- wararka ka Imanaya Magaalo xeebeeda Berbera ee Gobolka Saaxil, waxa soo waajahay Maanta Dabaylo xooggan oo wata siigo iyo Hanfi kulul, kuwaasi oo guud ahaanba joojiyay dhaqdhaqaaqii iyo hawlihii ganacsi ee Magaalada.

 

 

Dabaylahan oo sida ay bulshada reer berbera Weriye Xassan-Keefkeef u tibaaxeen bilaabmay saaka subaxnimadii waxa ay sheegeen inay ka dambaysay dib u dhaca ku yimi xilli roobaadkii guga, iyada oo weliba ay magaalada berbera tahay Xeeb una baahan tahay roob said ah.

 

Dabaylahan oo Albaabada u xidhay isu socodkii ganacsiga iyo bulshada gaar ahaan marsada ay inta badan reer Berbera u Shaqo tagaan ee Dekeda Berbera oo iyadu ilaa iyo Duhurnimadii xidhnayd. Sidoo kale waxa dabaylahani hakiyeen baayac mushtarkii Meheradaha iyo goobaha kale.

 

Dabaylahan kulul oo sida la sheegay wata dhagaxan quruurux ah hanfiguna u dheer yahay ayaa ka dambeeyay kadib markii dhul xeebeedkaasi ay ku yaraadeen dhirta qoyanm iyo gobo badan oo dhirtii ku taalay laga xaalufiyay sida Goobta Maxjarka xoolaha laga furay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

BURCO

 

hadhwanaag 2009-07-03 (Hadhwanaagnews) Burao(HWN) Dabaysha xiliga xagaaga ka timaada jahada koonfureed ayaa labadii caano maal ee danbeeyay haystaay Magalaada Burao ee xarunta gobolka Togdheer ,

Dabayshan oo xoog iyo xawaare aad ubadan ku socota isla markaasna wadatan dabaylo iyo siigo xoog badan ayaa maal mihii danbeeyay qar qisay jidadka iyo suuqyada waaweyn ee Maglaaada Burco .

 

Maanta oo ay ahayd maalin jimcaa oo dadweynahu ay ka nastaan shaqada ayaan laysugu iman goobaha lagu sheekaysto eek u yaal suuqyada iyo dhamaan Maqaaxiya laga cabo Bunka iyo shaaha .

 

Isku socodka dadka ee Magaalada dhexdeeda ayaa teel teel ahaa iyadoo dadku inta badan ay guryahooda joogeen waxa cidla ahaa Maqaaxiya iyo jidadka waaweyn ee Maglaaada

Waxana dadku inta badan ay ku soconaayeen Baabuur waxana dadka socodka ku maraya jidadku ay madaxa ku xidhnaayeen cumaamado iyagoo dhamaan muuqaalka dadku uu manta u eegaaday siigada xooga badan ee dhacays.

 

 

Si kastaba ahaatee dabaylahan xoogan badan ayaan mudooyinkii ugu danbeeyay ka dhicin magalaada Burco iyo nawaaxigeeda iyadoo xagaayadii hore ay dabaylu ka xoog yaraayeen tan dhacaysa

 

Dadweynaha ayaa saadaalinayaan in ilaa Bishan jully ee aynu ku jirno ay socondonaan dabaylahani

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this