Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan dowladda Federaalka oo dad Rayid ah ku laayay Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya uu xalay Afgooye ku dilay laba qof oo shacab ah.

Askariga ayaa la sheegay in uu si bareer ah rasaas ula dhacay labada qof ee rayidka ah kadib markii muran soo kala dhexgalay halkaasna ay ku geeriyoodeen labadii marxuum.

Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in askarigii dilka gaystay uu goobta isaga baxsaday islamarkaana maydadka labada qof ee shacabka ah daqiiqado kadib goobta laga soo qaaday.

Dilka ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka uu magaalada Muqdisho ku dilay laba qof oo shacab ah kuwaas oo nin iyo haweeney ahaa inkastoo la soo qabtay askarigii dilkaas fuliyay.

PUNTLAND POST

The post Askari ka tirsan dowladda Federaalka oo dad Rayid ah ku laayay Afgooye appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this